Monday, January 28, 2008

Sidee loo helaa sirta: Ma hab u gaara ayaa jira?


Waxa sirtu tahay waa xog ku saabsan meesha dal dani ka gasho. Sida keliya ee lagu helaana waa in shaqaale u gaar ah loo tababaraa dhaqaalena loo qoondeeyaa. Dabadeed la sameeyaa waax u gaar ah oo ka madax bannaan tartanka siyaasadda dalka.

Waa in sharci gooonni ah lagu dhisaa oo dad aaminsan jiritaanka dalka ay hogaanka waxdaasi qabtaan.

Dagaalkii koowaad ee adduunka dabadii ayaa dadkii yuhuudda ahaa ee deggenaa falastiin ogaadeen in aad looga badanyahay. Oo carabtu ku hareeraysan tahay. Dawladda Britain oo markaa xukumaysay siyaasadeedu ahayd in aanay qolana waxyeelin.

Shacbiga Yuhuudda oo uu hogaaminayo Ben Gurion ayaa waxay iska uruuriyeen lacag si ay u laaluushaan askarta Carabta. Waxayna markii dambe ogaadeen inay dani ugu jirto inay wadaan dedaalka uruursiga wixii macluumaad ah ee ku sabsaan dhaqdhaqaaqa Carabta iyo falalka ay guda jiraan inuu yahay mid u fiican ka hortagga dhibka u iman kara.

War laantu waxay dal ku keentaa khasaare xoog leh. Ta ugu xumi waa iyadoo si degdeg ah oo aan digniin lahayn dagaal lagu qaado. Oo ciidanka oo aa ndhug lahayn la weeraro.

Tusaale ahaan dalka Maraykanku waxay wax ka barteen dagaalkii dhinaca cirka ee Pearl Harbor ee Japenese ku soo qaaday dagaalkii labaad ee adduunka bishii December, 1941 kii. Waxanay kalliftay in loo qiimeeyo habka basaasnimada iyo sirdoonka dalka oo lagu eedeeyey inay ku fashilmeen hawshoodii.

Sidoo kale dalal Jarmalka ayay mucjiso ku noqotay dagaalkii Normady ee D-day loo yaqaan oo xeebaha Faransiiska lagu weeraray. Isagoo ku hungoobay sir war oo been ah oo moodayay inuu dagaalku ka dhacayo dhinaca gobolka Pas de Calais bishii June 6-deedii 1944 kii. Taasoo ciidamadii huwanta ahaa ee uu Maraykanku hoggaaminayay dhirbaaxo lexaad leh ugu geysteen is balladhintii Jarmalka.

Waxa ay sidoo kale dalka ISreal calool xumo ka qaaday filan waagii dagaalkii Bishii Oct., 1973-kii markii ay Masar iyo Siiriya ku qaadeen dagaal lama filaan ah. Waxay arrintaasi mucjiso ku noqotay hayadaha sirdoonka ee Isreal ee SHabi Shabet ee mileteriga iyo kuwa Mossad oo aan wax digniin ah ka bixin.

Faa'idada dhinaca mileteri ka sokow sirdoonka iyo war hayntu waxay kelliftaa in ay xogta habboon ee madaxda la soo gadhsiiyaa caawiso wixii go'aan ah ee ku saabsan horumarka dalka.

Dhinaca dhaqaalaha tusaale ahaan, markii waddamada Carabtu ka xidheen saliidda shidaalka ee ay dalalka reer galbeedku noolyihiin ayaa iayana lama filaan ku noqotay dalka Maraykanka. Waxana ay noqotay mid curyaamisa dhaqaalaha oo safaf loo galo xarumaha shidaalka. Taasoo beddeshay habka sirdoonka. Waxanay keentay in la abuuro qaybo CIA da u qaabilsan basaasidda arrmaha dhaqaalaha iyo teknoljiyadda.

Haddaba muhiimadda sirta ma helidda xogta cadawgaagu waxa uu damacsanyahay. Ama saaxiibkaagu wuxuu ku fikirayo ama ku kacayaa waxay tahay mid aad muhiim ugu ah jiritaanka dal. Waxana ay tahay laan muhiim ah oo u baahan in si taxaddar ah loo abuuro.

Sunday, January 27, 2008

Sirdoonka iyo Isticmaalkiisa


Sidee buu Sirdoonku u shaqeeyaa?


Weydii su'aashan qof Somali ah, boom, markiiba waxay xasuusanayaan NSS (waa xafiiska sirta ee dawladdii burburtay ee Somaliya oo afka qalaad la odhan jiray National Security Service afka hooyana Nabad Sugidda Somaliyeed).

Inkastoo ay jireen hayado badan oo cabudhinta dadka loo samaystay sida Hangash oo ahayd mid qarsoodi ah oo shaqadeedu ahayd tirtirka wixii dawladda ka horyimaadda. tirtirka oo looga jeedo dil, jidh dil cabsi gelin ah ama khiyaamayn qofka lagu tuhmo inuu dawladdii markaa xukunka haysay siyaasadeedda ka hor imanyo.

Haddana NSS ayaa aad caan u ahayd. Oo bilawgii kasbatay qadarin. Waayo waxa aad uga buuxay aqoonyahanno dalka iyo dibaddaba lagu soo tababaray. Waxay heleen xirfad badan oo hayadaha sirta ee caanka ah sida KGB oo kale ay la wadaagi jireen culuunta iyo tababarka.

Waxay lahayd silsilad (Network) muhiim ah oo qalabka wararka la isugu tebiyo, kuwa wax lagu duubo, sawiro iyo wax lagu dhegaystaba ay ka heleen dalalka hore u maray oo markaa Somaliya u arkayay meel u muuhiim ah dagaalka qabow ee reer Bariga iyo reer Galbeeka ka dhexeeyey xilligaas.

Waxa xitaa lagu xantaa in silsiladdooda wardoonku ahayd mid aad u dhex gashay bulshada oo afartii qof ee miis wada fadhiyaa ay kala baqaan. Waxa lagula kaftamaa inay xirfadaha ay isticmaali jireen ay ka mid ahayd in masaakiin iska dhigta inay tuugsanayso ama dawarsanayso la dhigo aagga warka laga rabo. Si ay u uruuriyaan macluumaadka dadka la abbaarayo.

Intii hore waxay NSS tu noqotay hayad miisaan badan u leh maamulkii markaa jiray. Nasiib darro sidii hayadihii kale ee jiray ayay noqotay mid danta qaranka ku tumata oo ta madaxda maamulka dalka haysata u adeegta.

Innagoon ku dheeraan NSSta ayaa su'aashii aynu is weydiinay ahayd sidee buu sirdoonku u shaqeeyaa aynu u dhigno dhawr siyood:

Dalalka reer galbeedku waxabay aamin sanyihiin in war la'aan aanad ogayn cidda aad la macaamilaysaa siday u fikirayaan, u shaqeeyaan, u wada dhaqmaan, ula dhaqmaan dadka kale ama iyagu u nool yihiin ay tahay mid keeni karta go'aan qaadasho burbur keeni kara.

Waxay aad ugu dedaalaan sidii ay u uruin lahaayeen macluumaad ku saabsan madaxda kale ee addunka jira. Ama madaxweyne ha ahaado ama xafiis hoose ha hayee. Cid kasta oo iyaga ay dan ama arrini ka geli karto. Waxay isku dayaan inay la socdaan tusaale ahaan habka uu madaxeyne dal u shaqeeyo, Siduu u nool yahay, waxa uu jecelyahay raaxo ahaan. Cidda u dhaw ee uu la hadlo ama u furfurmo, cidda xafiiskiisa u galgalka badan iyo siday u nool yihiin. Meelaha uu tago ama dariiqa uu shaqada u tago. Xitaa hadduu qayilo wax kale iska daayoo nooca jaadka uu jecelyahay iyo goortuu fadhiisto, cidda uu ka helo inuu la qayilo iyo tobigyada uu jecel yahay inuu ka hadlo. Nooca filamada ama barnaamijyada uu daawado. goorta uu telefoonada dirto iyo markuu marqaamo sidii u dhaqamo. Maalinta dambe ee habeen ka hadhku sidii u taabto. Inuu yahay qof jaadka ka seexan waaya ama mid aanu waxba yeelin.

Tusaalehaa sare wuxuu ku tusayaa siday culuunta qof kasta oo ay la kulmayaan u uruuriyaan haydaha sirdoonka ee dalalka hore u maray. Waxana aan shaki ku jirin safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Dahir Rayale uu ku tegay dalalka Britain iyo Maraykanka dhawaan ay intii aanay la kulmin og yihiin waxa uu shakhsi ahaan yahay Madaxweynaha iyo inta la socotaaba.

Hayadaha sirdoonku waxay leeyihiin xafiiska u qaabilsan deriska hab nololeedka iyo dabeecadaha dadka ay markaa rabaan inay wax ka ogaadaan oo loo yaqaan, "Behavior Analysts Department". Waxana aad caan ugu ah hayadda wardoonka sirta ee Mossad ee dalka Isreal leedahay oo ku jira kuwa addunka ugu murugsan habka ay u shaqeeyaan. Waxa kaloo xafiiskan ay u badan yihiin aqoon yahaniinta culuunta maskaxda, Psychologists.

Iyadoo ay habka sirta loo doonaa ay badan tahay ayaa waxa hora isweydiin leh waa maxay sirtu? Maxaynu ku qeeexi karnaa?

Sirtu waa macluumaad ama war u gaar ah shakhsi, koox ama dal oo aan loogu tala gelin in cid intaa ka baxsan lala wadaago sababo badan daraadeed. Taasoo haddii qof, koox ama dal aan loogu tala gelin ay helaan dhibaato, dib u dhac ama hadaf qalooc u keeni karta cidda sirta iska leh.

siyaabaha loo uruuriyo macluumaadkaas iyo sida loo tebiyo, isticmaalo iyo weliba tusaaleyaal muhiim ah ayaynu qormadeenna dambe ku soo qaadan doonnaa.