Sunday, January 27, 2008

Sirdoonka iyo Isticmaalkiisa


Sidee buu Sirdoonku u shaqeeyaa?


Weydii su'aashan qof Somali ah, boom, markiiba waxay xasuusanayaan NSS (waa xafiiska sirta ee dawladdii burburtay ee Somaliya oo afka qalaad la odhan jiray National Security Service afka hooyana Nabad Sugidda Somaliyeed).

Inkastoo ay jireen hayado badan oo cabudhinta dadka loo samaystay sida Hangash oo ahayd mid qarsoodi ah oo shaqadeedu ahayd tirtirka wixii dawladda ka horyimaadda. tirtirka oo looga jeedo dil, jidh dil cabsi gelin ah ama khiyaamayn qofka lagu tuhmo inuu dawladdii markaa xukunka haysay siyaasadeedda ka hor imanyo.

Haddana NSS ayaa aad caan u ahayd. Oo bilawgii kasbatay qadarin. Waayo waxa aad uga buuxay aqoonyahanno dalka iyo dibaddaba lagu soo tababaray. Waxay heleen xirfad badan oo hayadaha sirta ee caanka ah sida KGB oo kale ay la wadaagi jireen culuunta iyo tababarka.

Waxay lahayd silsilad (Network) muhiim ah oo qalabka wararka la isugu tebiyo, kuwa wax lagu duubo, sawiro iyo wax lagu dhegaystaba ay ka heleen dalalka hore u maray oo markaa Somaliya u arkayay meel u muuhiim ah dagaalka qabow ee reer Bariga iyo reer Galbeeka ka dhexeeyey xilligaas.

Waxa xitaa lagu xantaa in silsiladdooda wardoonku ahayd mid aad u dhex gashay bulshada oo afartii qof ee miis wada fadhiyaa ay kala baqaan. Waxa lagula kaftamaa inay xirfadaha ay isticmaali jireen ay ka mid ahayd in masaakiin iska dhigta inay tuugsanayso ama dawarsanayso la dhigo aagga warka laga rabo. Si ay u uruuriyaan macluumaadka dadka la abbaarayo.

Intii hore waxay NSS tu noqotay hayad miisaan badan u leh maamulkii markaa jiray. Nasiib darro sidii hayadihii kale ee jiray ayay noqotay mid danta qaranka ku tumata oo ta madaxda maamulka dalka haysata u adeegta.

Innagoon ku dheeraan NSSta ayaa su'aashii aynu is weydiinay ahayd sidee buu sirdoonku u shaqeeyaa aynu u dhigno dhawr siyood:

Dalalka reer galbeedku waxabay aamin sanyihiin in war la'aan aanad ogayn cidda aad la macaamilaysaa siday u fikirayaan, u shaqeeyaan, u wada dhaqmaan, ula dhaqmaan dadka kale ama iyagu u nool yihiin ay tahay mid keeni karta go'aan qaadasho burbur keeni kara.

Waxay aad ugu dedaalaan sidii ay u uruin lahaayeen macluumaad ku saabsan madaxda kale ee addunka jira. Ama madaxweyne ha ahaado ama xafiis hoose ha hayee. Cid kasta oo iyaga ay dan ama arrini ka geli karto. Waxay isku dayaan inay la socdaan tusaale ahaan habka uu madaxeyne dal u shaqeeyo, Siduu u nool yahay, waxa uu jecelyahay raaxo ahaan. Cidda u dhaw ee uu la hadlo ama u furfurmo, cidda xafiiskiisa u galgalka badan iyo siday u nool yihiin. Meelaha uu tago ama dariiqa uu shaqada u tago. Xitaa hadduu qayilo wax kale iska daayoo nooca jaadka uu jecelyahay iyo goortuu fadhiisto, cidda uu ka helo inuu la qayilo iyo tobigyada uu jecel yahay inuu ka hadlo. Nooca filamada ama barnaamijyada uu daawado. goorta uu telefoonada dirto iyo markuu marqaamo sidii u dhaqamo. Maalinta dambe ee habeen ka hadhku sidii u taabto. Inuu yahay qof jaadka ka seexan waaya ama mid aanu waxba yeelin.

Tusaalehaa sare wuxuu ku tusayaa siday culuunta qof kasta oo ay la kulmayaan u uruuriyaan haydaha sirdoonka ee dalalka hore u maray. Waxana aan shaki ku jirin safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Dahir Rayale uu ku tegay dalalka Britain iyo Maraykanka dhawaan ay intii aanay la kulmin og yihiin waxa uu shakhsi ahaan yahay Madaxweynaha iyo inta la socotaaba.

Hayadaha sirdoonku waxay leeyihiin xafiiska u qaabilsan deriska hab nololeedka iyo dabeecadaha dadka ay markaa rabaan inay wax ka ogaadaan oo loo yaqaan, "Behavior Analysts Department". Waxana aad caan ugu ah hayadda wardoonka sirta ee Mossad ee dalka Isreal leedahay oo ku jira kuwa addunka ugu murugsan habka ay u shaqeeyaan. Waxa kaloo xafiiskan ay u badan yihiin aqoon yahaniinta culuunta maskaxda, Psychologists.

Iyadoo ay habka sirta loo doonaa ay badan tahay ayaa waxa hora isweydiin leh waa maxay sirtu? Maxaynu ku qeeexi karnaa?

Sirtu waa macluumaad ama war u gaar ah shakhsi, koox ama dal oo aan loogu tala gelin in cid intaa ka baxsan lala wadaago sababo badan daraadeed. Taasoo haddii qof, koox ama dal aan loogu tala gelin ay helaan dhibaato, dib u dhac ama hadaf qalooc u keeni karta cidda sirta iska leh.

siyaabaha loo uruuriyo macluumaadkaas iyo sida loo tebiyo, isticmaalo iyo weliba tusaaleyaal muhiim ah ayaynu qormadeenna dambe ku soo qaadan doonnaa.

2 comments:

Abdisamad said...

away qormade ad noogu so qadi laheuden mar danbe
wll

Unknown said...

Wllo waad mahadsantahay sxb wana ku sugenaa waxa badana waan ka sugenaa scb hoti uu soco sxb